Ra’iisul wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Doha

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheye iyo wafti uu hogaamiynayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Doha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiiru dawlaha Arimaha dibadda Qadar Suldaan bin Sacad Al-Maraykhi, sii hayaha xilka safaarada Qadar ee Soomaaliya Xasan bin Xamza, Safiirka Soomaaliya Cumar Idiris, iyo madax kale.

Waftiga Ra’iisul wasaare Kheyre oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar Islow iyo masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa ka qeyb gali doona shirka Doha Forum oo maalinta bari ah ka furmaya Hotelka Sheraton ee magaalada Doha.

Safarkan ayaa ah safarkii ugu horeeyay oo Ra’iisul wasaare Kheyre uu ugu baxo dalka dibadiisa.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST