Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib safar maalmo qaatay oo ay ugu maqnaayeen magaalada London ee dalka Britain.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiisa ayaa waxaa garoonka Muqdisho ee Adan Cade ku soo dhaweeyey masuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray Wasiio, Xildhibaanada labada Aqal iyo Saraakill ciidan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirkii 11-kii May ka dhacay magaalada London kaas oo looga hadalayey Arimaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa qodobadii looga hadalay Qorshaha Amniga, Dib u habeynta dhaqaalaha ,  Kaalmada abaaraha, dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020-ka.

Shirkaas oo ay ka qeyb galeen madax badan oo caalamka ka socotay ayaa waxaa ugu danbeyn laga soo saaray War-muryiyeed ku saabsan Arimihii looga hadlay .

Liban Yusuf

PUNTLAND POST