Jaaliyada Soomaalida London oo Xaflad Soo Dhoweyn Ah Usamaysay Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Xaflad soo Dhaweyn ah Loogu Sameeyey Magaalada London.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa kala qayb galay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada London habeenimadii Jimcaha 12/05/2017 xaflad soo dhawayn ah uu ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.

Xafladan soo dhawaeynta ah ee madaxweynha dawladda Puntland  iyo weftigiisa lagu maamuusayey ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada London oo ah Jaaliyad aad u balaadhan marka loo eego jaaliyadaha kale ee Soomaalida ee ku sugan wadamada isutaga boqortooyda ingiriiska.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey safarkiisa shaqo wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamaiga Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Budhcad Badeeda Saciid Maxamed Raage, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyda ee xidhiidhka Caalamiga Burhaan Cilmi, Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Dr. Sayid,  Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 9 May 2017 soo gaadhay maagaalada London kadib markii dawladda Ingiriisku ku casuntay Dawladda Puntland inay kasoo qayb gasho shirkii London ka dhacay 11 May 2017 ee London Somali conference 2017, shirkaas oo lagu casumahqy Dawladda Puntland, Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Madxada Maamul Goboleedyada Soomaaliya, shirkaas oo looga hadlayey sidii looga abuuri deganaasho iyo xasilooni Soomaaliya si loo helo Soomaaliya la jaanqaada caalamka intiisa kale.

Hadaba xafladii soo dhaweynta ahayd ee xalay ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dawladda Federalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubba-Land iyo dhamaan bulshada qaybaheed kala duwan.

Sidoo kalena waxaa door weyn ka qaadatay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa fanaantii Soomaaliyeed ee magaalada London oo soo bandhigay heeso wadaniya oo ay ku dhiirigelinayeen Madaxweynaha iyo weftiigiisa, isla marhaantaana qaab suugaameed ku soo bandhigay waxqabadka dawladda Puntland iyo horumarka muuqda ee ka socda Puntland.

Dhinaca kale waxaa xafladani ero koo kooban ka jeediyey Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanda, siyaasiyiin, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, xubnahaas oo dhamaantood si isku mida uga hadlay adkaynta amniga, horumarinta Puntland iyo sidii siyaasada DawladdaPuntland ee ku aadan maalgashiga iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha loo xoojin lahaa Dawladdana garab loogu siin lahaa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii kulanka soo gunaanaday ayaa sheegay in shirkii dawladda Puntland kasoo qayb gashay ee London Somali conference 2017 uu kusoo dhamaaday jewi degan oo wanaagsan, isla marhaantaana ay muhiim tahay in la helo Soomaaliya siman isku xaquuqa oo si cidaalad ah loogu cadaalad falo si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo dhab ah.

”Puntland waxay rabtaa Soomaaliya lagu dhaqo nidaamka federalisamka, waxaan rabnaa in la qaybsado masuuliyada, markii masuuliyada laqaybsadona waxaa la qaybsanayaa awooda, madaxweynaha Soomaaliya waxuu ahaanayaa Madaxweynaha Dawladda federalka Soomaaliya waana Madaxweynaheenii, lakiin Puntland weligeed Madaxweynaheeda waa lahaanaysaa nidaamka federelka ayaana sidaasa, ninkii diidaya iyo ninkii ogolba Soomaaliya federal ayey ahaanaynaa, waxaan doonaynaa in Soomaaliya xasilooni hesho, waxaan doonaynaa gaajada iyo haraadka in laga baxo waxaan rabnaa in meelkasta oo Soomaaliya ahi ay ay xislooni iyo nabad iyo nolol wanaagsan hesho, waxaan rabnaa inaan tuulo kasata ka hirgelino hal jid iyo hal ceel, waa siyaasada Puntland taasi, waxbarasha iyo caafimaadka ayaan xooga saaraynaynaa, dhisada kaabaayaasha dhaqaalahuna waa halbawlaha siyaasadayda, waxaan rabaa inaan ka togo Puntland isku filan oo meel wanaagsan maraysa wasidaa sidaa sida aan anigu la rabaa Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba” ayuu yidhi Madaxweyna”

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

oo