Muqdisho:-Beel shiraysa oo lagu canaantay ka shaqeynta Amniga

Taliyaha ciidanka Nabadsugida Dowlada Federalka Soomaaliya (NISA) C/llaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa ku wacyi galiyay Odoyaal,Ganacsato iyo Haween kazoo jeeda beel ama qabiil oo ku shiraya magaalada Muqdisho sidii ay uga gacan siin lahaayeen dowlada hanaanka geedi socod xasiloonida Muqdisho iyo Soo dhaweynta dadka kale ee martida ku ah.

Wuxuu hadalkiisa ku sheegay taliye Sanbalooshe inuu kazoo dul dhacay shirkaan oo uu sheegay inaan lagu casumin masuuliyiinta dowlada uga wakiilka ah Gobolka Banaadir, isagoona si kulul ula hadlay dadkii isugu yimid madasha shirku ka socday.
 

Si gaar ah wuxuu ugu dheeraadey Taliye C/llaahi (Sanbalooshe) Ahmiyadda ay u leedahay dadka ku nool Muqdisho inay ka shaqeeyaan Amniga, wuxuuna carabta ku dhuftay in beelaha ku nool looga baahan xilkasnimo.

Hadalka Taliyaha NISA oo lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa fasiraya jiritaanka cabashooyin ka dhan ah Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhagayso khudbadda Taliye Sanbalooshe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST