Wasiiru dowlaha Warfaafinta Puntland oo la kulmay Safiirada Masar, Italy iyo Sudan ee Somalia

Wafdi uu hoggaaminiyo Wasiiru dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland C.Fitaax Nuur Ashkir oo ay ku weheliyaan Agaasimaha guud TVga iyo Raadiyaha Puntland, iy Agaasimaha guud Ee Wasaaradda, ayaa saaka la kulmay Safaaradaha dalalka Masar, Suudaan iyo Italy.

Ugu horrayn wafdigu wuxuu la kulmay Safiirka dowladda Italy u fadhiya Soomaaliya Safiir “Carlo Campanile” waxayna wafdigu uga mahadceliyeen Safaaradda Mashaariicda horumarinayd Ee ay dalka ka wadaan iyo Dhisidda TV-GA iyo Radio-ga Puntland. Wafdiga uu Wasiiru Dowlahu hoggaaminiyo waxa kale oo ay la kulmeen Safiirka dalka Masar Ee u fadhiya Soomaaliya Safiir “Waliid Ismail” waxayna kala hadleen sidii loo dar dar galin lahaa Xiriirka Taarikhi ah Ee u dhaxeeya Puntland iyo Masar.

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland ayaa mudo dheer ahayd mid aan si fiican u shaqayn waxaase Hadda la dareemayaa in wasaaradaas dhiig cusub lagu shubay kadib markii dhowaan Madaxweynaha Puntland U soo magacaabay Wasaaradda Wasiiru dowle iyo Wasiir ku-xigeen dhalinyaro ah, waxayna dardar geliyeen howlihii wasaaradaas loo igmaday.

PUNTLAND POST
MUQDISHO, SOOMAALIYA