Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo ka qeyb galay Munaasabad lagu Daah-furayay Xeerka Da’yarta Puntland

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa manta May 10, 2017 waxa uu caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad ay soo qaban saabisay Wasaaradda Caddaalada Puntland oo lagu dah-furayey xeerka Da’yarta Puntland.

Munaasabassa waxa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, xubno ka socday beesha caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cali Faarax, Wasiirka Caddaaladda Saalax Xabiin Jaamac iyo xubno kale oo ka Wasaaradda ayaa warbixin kooban ka bixiyay heerarkii uu soo maray xeerka Da’yarta Puntland iyo faa’iidooyinka uu leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caddaaladda Puntland dedaalka ay ku bixisay hirgelinta xeerkan, wuxuuna kula dardaarmay in markasta la hubiyo socodsiinta iyo ku dhaqanka xeerkan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa caddeeyey in dhammaan hay’adaha Dawladdu ay garab taagan yihiin Wasaaradda Caddaaladda Puntland isla markaana masuuliyad goonni ah ay iska saari doonaan dhaqan gelinta xeerkan, maadaama uu waxtar u leeyahay Da’yarta Puntland.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.