Juventus oo u soo baxday Final-ka Champions League-ga

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa caawa u soo baxday final-ka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, kadib markii ay 2-1 ugu awood sheegtay kooxda As Monaco kulankii lugta labaad ee Afar dhamaadka tartankan oo marti ugu ahayd garoonkeeda Juventus Stadium.

Kooxda Juventus ayaa celcelis ahaan labadii kulan ee Afar dhamaadka tartankan uga badisay 4-1, waxayna tigidhada u jaray magaalada Cardiff ee dalka Wales oo uu ka dhici doono final-ka tartankan.

Juventus ayaa waxaa labada gool oo ay guusha ku gaadhay u kala dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta Mario Mandžukić iyo Dani Alves, halka kooxda As Monaco uu goolka qura u dhaliyay Kylian Mbappé kaas oo noqday 18 sano jirkii ugu horeeyay oo gool ka dhaliya Afar dhamaadka tartanka Champions League-ga.

Juventus ayaa final-ka tartanka 3-da bisha soo socota ee June laciyaari doonta kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid midii soo baxda kulanka ay habeen danbe ku balansanyihiin.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST