Garowe:-Xildhibaano ka tirsan Dowlada Somalia oo su,aalo lagu weydiiyay

Waxaa magaalada Garowe lagu qabtey kulan dhinacyo ka socda maamulka Gobolka Nugaal, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhalinyaradu su,aalo ku weydiinayaan Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya.

Waxaa goobjoog u ahaa kulankaan saddex mudane oo kala ah Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ah Gudoomiyaha Xildhibaanada kazoo jeeda Puntland, Xildhibaan Sharmaake Garaad Buraale iyo Xildhibaan Saadiq Warfaa oo dhamaantood ka tirsan Xildhibaanada ku fadhiya kuraasta Puntland ku leedahay Dowlada Federalka Soomaaliya.

Mudanayaasha kazoo qeybgalay kulanka su,aalaha lagu weydiinayay ayaa qof walba uga jawaabayay su,aasha uu weydiiyo.

Daawo su,aalaha la weydiiyay Xildhibaanada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST