Puntland:-Deegaano laga bilaabay gubbida bakhtiga xoolaha.

Dhalinyaro ku nool Gobolka Nugaal iyo Mudug ayaa bilaabay gubista bakhtiga xoolihii ku le,day abaartii ku dhufatay dalka, waxayna sheegeen intay wadeen hawsha in gubey ilaa 9,000 (Sagaal kun) oo isugu jira xoolo iyo dugaag bakhtigoodu yaalo inta u dhaxaysa deegaanada Xarfo,Buurtinle ilaa Tuulo Jalam oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Ololahaan ayaa yimid ka dib markii ay xoolo badan ku le,deen abaartii iyo roobabkii ka da,ay Soomaaliya oo dilay inta badan xoolihii tabarta yaraa.

Bakhtiga xoolaha iyo dugaaga oo ka dhashay abaarta iyo roobabka ayaa haddii aan xal loo helin wuxuu sababi karaa cudurada faafa oo qaarkood ay ka jiraan deegaano ka tirsan Gobolada Puntland.

Daawo warbixin ku saabsan gudbista bakhtiga xoolaha iyo dugaaga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST