Afdalow oo sheegay inuu handaday Taliyaha Booliska Puntland

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Cismaan Xasan Cawke (Afdalow) ayaa si kulul uga hadlay shaqo joojin uu ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Shire Faarax(Ereg) oo uu ku eedeeyay inuu cuqdad ka qaaday hawlo shaqo oo uu ka qabtey magaalada Gaalkacyo.

Cismaan Xasan Cawke (Afdalow) oo wareysi siiyay warbaahinta PUNTLAND POST  ayaa sheegay inuu aqbalay shaqo joojinta uu ku sameeyay Taliyaha booliska Puntland balse ay tahay mid uusan sharciga u marin Taliye Ereg.

Sidoo kale Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa cabasho la mid ah tan uu sheegay Taliyaha Qeybta Gobolka Mudug isna u gudbiyay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ee gudaha Puntland.

Ma ahan khilaafkii ugu horeeyay tan iyo intay jirtay Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Gaas soo kala dhex galo Hogaanka sare ee booliska Puntland iyo qaar ka mid ah Taliyaasha Qeybaha Gobolada .

Dhagayso Wareysiga Taliye Afdalow.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST