Eng Camey oo daahfuray Mashruuca dib u celinta Shacabkii ku soo Hayaamay Puntland

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 08 May 2017 daahfuray mashruuca dib u celinta shacabka Soomaaliyeed ee kusoo hayaamay Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddi loo xilsaaray fulinta  mashruuca dib u celinta shacabka Soomaaliyeed ee kusoo hayaamay Puntland, waxaana ay ka kooban yihiin guddigaasi Wasiirka Wasaarada Cadaalada, wasiirka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska, wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha, wasiir kuxigeenka wasaarada arrimaha gudaha ee Dawladda Puntland iyo gudoomiyayaasha gobolada Bari iyo Karkaar.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucani uu yahay mid balaadhan oo u baahan awood, wakhti, dhaqaale, feker iyo dedaal dheeriya, isla markaana waxa uu sheegay in loobaahan yahay in mashruucani lays-ka kaashado oo ay iska garabsadaan shacab, hay’addaha daneeya arrimaha bini aadantinimada iyo dawladd intaba si looga guul gaaro hadafka laga leeyahay mashruucani oo ah caawimaada dadkaasi.

Sidoo kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xaqiiyey in mashruucani uu salka kuhayo isku tashiga shacabka iyo dawladda Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan reer guuraa badan uu u baahan sidii looga caawin lahaa kharashaadka ku baxaya inay ku noqdaan degaanadoodii, taasina ay ku khasabtay  dawladda  in mashruucani lasameeyo, isla marhaantaana waxa uu guddiga ku booriyey inay masuuliyad gaara iska saaran xal u helida dadkaasi.

Ugu danbayn, Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in loo fududeeyo guddidaasi shaqadooda oo looga danbeeyo,  islamarkaana lagu biiriyo wax-kasta oo wax ka tari kara samata-bixinta dadkaasi Soomaaliyeed ee u baahan inay ku guryo noqdaan degaanadoodii.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.