Sidee dawladnimada looga ilaaliyaa- Gafanayaasha Xaaraanta Ku naaxay!

Garowe (PP):- Waxaa inta badan lays weydiiyaa musuqmaasuqa dalka Soomaaliya hareeyey mudooyinkii ugu danbeeyey khaasatan wixii ka danbeeyey burburkii dawladdi dhexe 1991-dii. Kaas oo inta badan dusha laga saaro madaxda sarsare ee dalka ka jirta sida madaxweynaha, raysul wasaaraha, wasiirada, maamul goboleedyada iwm.

Hadaba iyada oo ay dhabtahay in madaxda sare ee dalka ay waxbadan ku tagri faleen hantidii dadka iyo dalka tan iyo wixii ka horeeyey dawladdan hada uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo iyo Raysul wasaare Kheyre oo iyaga ilaa hada aan aragno inay dagaal kula jiraan musuqmaasuqa iyo sidii loo cirib tiri lahaa.

Hadaba si arinkaan looga miro dhaliyo waxaa jira caqabado badan oo sida cinwaankan ka muuqata ay ka mid yihiin dadka aan ugu yeeray Gafanayaasha xaaraan ku naaxa, kuwaas oo aan ula jeedo dadka inta badan ka faa’iida musuqmaasuqa ama sahla in musuqmaasuq dhaco kuwaas oo kala ah dad ku qaraabta mashaariic iyo inay shaqooyin dawladda u qabanayaan, qortana waxa loo yaqaan proposals kuna qaata lacag badan oo qayb ka mid ah lacagtaasna ay tahay waxa loo yaqaan kickbacks lana siiyo nimanka madaxda ah  ee qorshahan soo saxiixay fududeyana in mashruuca lagu guulaysto iyo dad kale oo dawladda iyo Gafanayaasha u dhexeeya.

Hadaba dadkaan proposalska qorta dalkay joogaan waana dad ku xidideystay nidaamka fowdada ee dalka Soomaaliya ka jiray muddo, si qoto dheerna u aastay dhidibada aanna si fudud lagu siibi karin laguna hor istaagi karin waayo waxay ku milmeel nidaamka dawliga ah ee heer walba.

Wax yaalaha Gafanayaasha laga filanayo waxaa ka mid ah inay hor istaagaan la dagaalanka musuqmaasuqa ay dawladda hada jirta wado, maadaama nidaamkii ay wax ku heli jireen ee ahaa proposalska uu meesha ka baxayo ama noqonayo mid si toos ah loo tartamo oo mashruuca ama shaqo qabashada la gudoon siiyo cidii ka bixi karta iyada oo lala xisaabtamayo.

Waxaa jirtay in xiligii dawladii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud laysku dayey in la meel mariyo xeerka ama sharciga Iibka iyo Qandaraas bixinta Qaranka (Somali Public Procurement and Concessions Regulations ) lana sameeyey system database ah oo loogu talo galay in la mariyo howlaha qandaraasyadda iyo shaqo qabashada dawladda iyo hadii dawladdu ay iibinayso hanti qaran si toos ahna ay dadka shacabka ah ula socon karaan waayo wuxuu noqon lahaa online balse lays hor taagay uuna weli qabyo yahay qorshahaasi barlamaankana aan weli laga ansixin inta aan ogahay.

Sababaha loo hor istaagay in nidaamkan Qandaraas bixinta Qaranku meel maro  oo uu shaqeeyo waa layska garanayaa cabiraad dheerna uma baahna baan filayaa.

Hadaba Gafanayaasha Xaaraan ku naaxa oo sida aan sheegnay ku xidideystay nidaamka lunsiga hantida iyo mashaariicdda ummadda Soomaaliyeed loogu talo galay sidee laysaga celin karaa, yeyse yihiin ?.

Waa su’aal furan oo u baahan in waxbadan laga hadlo dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooduna ay ka doodaan marar badan balse waxaan aniga jeclahay inaan tilmaamo dhawr qodob oo manaxayaashani ay ku hor istaagi karaan horumarka dalka iyo shaqada dawladda hadda jirta ku doonayso la dagaalanka musuqmaasuqa.

1aad: Sida aan sheegnay qolyahaan waxay si aad ah u dhex galeen nidaamka dawliga ee Soomaaliya ka jira hadey noqon lahayd barlamaanka federaalka, hadey noqon lahayd maamul goboleedyada, ganacsatada noocyadeeda kala duwan iyo qaybaha bulshaddu ka kooban tahay dhamaanteed.

Madaama ay nidaamka dadka iyo dalka Soomaaliya ay ku dhex milmeel waxay noqonaysaa arin adag in si sahlan wax looga qabto dadka noocaan ah sifududna meesha looga saaro.

2aad: Qolyahan Gafanayaasha ah waxay ku xiran yihiin hay’addo iyo dalal shisheeye ha noqdeen kuwo si toos ah ay ula shaqeeyaan ama ha noqdeen kuwa ay hantidii ay dadka iyo dalka ka dhaceen ku qarsadaan aanna ogoleyn in xisaabtan yimaado iyo in Soomaaliya markale lugaheeda ku istaagto.

Dawladahan iyo hay’adahan  shisheeye waa kuwa iyagu si cad marwalba Soomaaliya danaheeda uga soo horjeeda sababo la xiriira istaraatiijiyad siyaasadeed iyo xadidda kheyraadka dalka waxayna ku khasban yihiin iyaga oo adeegsanaya Xaaraan ku naaxayaasha inay hor istaagaan waxkasta oo soo celinaya awoodii dadka iyo dalka Soomaaliya, khatar weyna waxay ku yihiin dawladda hadda jirta iyo qorshayaasheeda.

3aad: Gafanayaashu waxay adeegsadaan idaacado iyo barar warbaahineed oo tashuush ku fura shacabka iyo dadka Soomaaliyeed marwalbana sheega warar been abuur ah iyo ku-tiri-ku-teen si ay danahooda khaaska ah ee guracan ay uga gungaaraan kuna hor istaagaan cid kasta oo doonaysa inay wax ka qabato dhagartooda.

Dadkii Soomaaliyeed ayaa waxay noqdeen dad nugul, una nugul beenta iyo warxun sheega, sidaa awgeedna qolyahaan xaaraanta ku naaxay iyaga oo adeegsanaya warbaahinta maanta meel walba gaartay ayey dadka Soomaaliyeed warar been ah u sheegaan cidey rabaanna dhulka afka u geliyaan si ay hawlahooda guracan u wataan.

4aad: Qolyahan Gafanayaasha dhiiga dadka Soomaaliyeed dhuuqa waxay adeegsadaan nidaamka qabiilka si ay ummadda u kala qaybiyaan danahooda guracanna ay u fushadaan.

Tusaale waxaad maqlaysa dhowaanahaan in dawladda hadda jirta warar been abuur ah laga samaynayo iyada oo la leeyahay reer hebel baa meesha laga soo buuxiyey, reer hebel jagooyin ay lahaayeen ayaa laga qaaday iwm.  Dhamaan hababkaani waa hababka ay ku adeegtaan qolyaha Gafanayaasha xaaraan ku naaxa, dadka Soomaaliyeedna marba hadii qabiil la sheego waa jid boodaan oo uma meel dayaan mana fahmaan sirta guracan ee gafanayaashu iyo cadowgu wataan.

Runtii lama soo koobi karo hababka dadkan dalka Soomaaliya afka u dhigtay ay ku shaqeystaan ama ay ku hor istaagaan helida nidaam dawli ah oo sharafta ummadda Soomaaliyeed soo celiya.

Dalka iyo dadka Soomaaliya waxaa ku badatay fashilaado badan oo kaga timi dhinaca nidaamka dawligaa taas oo ay ugu wacantahay sida weyn ee dadka iyo dalka dhaca xun loogu geystay mudooyinkii danbe ee burburku jiray.

Sida aan wada ognahay waxaa caado ka noqotay dalka Soomaaliya in qofka ama shirkadda  shaqo bulsho ama dawladeed loodiro ay boqolkiiba sideetan (80%) waxa loo dhiibay lunsato cidna aysan la yaabin marna waayo waxay noqotay caado.

Waa arin lawada ogyahay oo dalka oo dhan ka jirta. Waxaad maqlaysaa shirkad heblo waxay qaadatay qandaraas, wax intaa ka danbeeyana lama arkayo oo aan ka hayn in shaqadii la leeyahay waa la dhameeyey wax raad ah oo micno lehna aan meelna looga tegin wax la dhisay iyo wax la qabtayna aysan jirin, cidnana kama dabatagto lunsigaa hantida dadka iyo dalka.

Gunaanad

Hadaba si dawladda maanta jirta ay uga gun gaarto hadaf yadeeda wanaagsan ee la dagaalanka musuqmaasuqa waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan in dawladda iyo cidkasta oo doonaysa inay wax hagaajiso dagaal xoogleh oo dhinacyo badan leh lagala hortegayo sidaa awgeedna loo baahan yahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin beenta iyo dibin daabyada ay ku gabanayaan kuwa dadka iyo dalka meesha uu hada yaal dhigay ee aan ugu yeeray Gafanayaasha xaaraan ku naaxa meel kasta oo Soomaaliya ahna jooga seeftooduna ay marwalba galka ka baxsantahay si ay u difaacdaan dhuuqidda dhiiga dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan halakeeyeen.

Marka waxaan leeyahay qof-yahow Soomaaliga ahi markasta oo aad maqasho reer hebel baa wax ay lahaayeen laga qaaday, qabiil baa dawladii isku koobay, mashaariic reerkayagu lahaayeen baa la leexsaday, reer hebel baa loo danleeyahay, mooshin baa la wadaa, qoraal baa internetka la soo dhigay iwm. Ha ku kadsoomin kana fiirso oo gacan ha siin  Gafanayaasha Xaaraanta ku naaxay.

W/Q:
Siyaad Cali Yuusuf
Garowe
e-mail: siyaadyusuf@gmail.com