Wasiirka Haweenka Puntland oo Buurtinle u tagtey 13 sano jir la kufsaday

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa ka warbixisay socdaal ay maanta ku tagtey Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxayna sheegtay inay halkaas u aadey arrimo la xiriira kufsi dhawaan tuulo hoostimaada Degmada Buurtinle loogu geystay gabadh yar oo 13 sano jir ah.

Wasiir Aniso ayaa sheegtay inay geysteen kiiskaan dhawr nin Islamarkaana ay doonayso sidii xuquuqdeeda loo soo dhicin lahaa ilmaha yar ee kufsiga loo geystay , waxayna sheegtay inay tahay dhacdo xanuun badan oo saamaynaysa mustaqbalka caruurta haddii aanan talaabada ku haboon laga qaadin.

Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa si kulul uga hadashay kufsiga loo geystay 13 jir waxayna sheegtay inay maanta kula kulantay magaalada Buurtinle gabadha yar ee xadgudubka lagula kacay, Iyadoona ka digtey in arrinteeda lagu dhameeyo waanwaan iyo xal mastuur.

Dhagayso wareysi ay uga waramayso Wasiirka Haweenka Puntland

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST