Jaamacadda Bosaso University oo tartan koob u furtay 6 kulliyadood

Waxaa xalay ka furmay Garoonka Classic Stadium  Garowe koobka  kubadda cagta Jaamacadda Bosaso faraceeda Garoowe oo ay ka qeyb galayaan 6 kulliyadood oo ka kooban 9 fasal, Wuxuuna socon doonaa muddo sagaal cisho ah, Islamarkaana waa koob sanadle ah oo ay qabato Jaamacaddu.

Furitaankii koobkan waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso faraceeda Garowe DR Maxamed cali Maslax,Gudoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda  Siciid Cabdi Ashkir ,Hormuudka kulliyadda Arrimaha Bulshada Maxamed Muuse , Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Nugaal Cabdikariin Maxamed Nuur ,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana iyo Marti sharaf kale .

Dhammaan kasoo qayb galayaasha  furitaanka koobka ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Bosaso oo ay u qireen inay dadaal ku bixisay koobkan oo muhiimiyad u leh Ardeyda iyo dhalinyarada madaama uu kor u qaadayo isdhexgalka dhalinyarada, Iyagoona kula dardaarmay masuuliyiintu Ardeyda inay soo bandhigaan ciyaar wanaag.

Waxaa xalay lagu furay koobka 4 fasal oo kala ah:-  Nutrition  Vs  Community Development , Nursing Vs Shareeca.

Waxayna ciyaartii bilowga ahayd kusoo dhamaatay  Nutrition oo keentay hal gool iyo Community Development oo ku guulaysatey 2 gool, halka  Fasalka Nursing uu 3 gool uga adkaaday fasalka Sharia oo keensaday 2 gool,waxayna sidaas guusha 1aad ku raacday fasalada kala ah Community Development iyo Nursing.

Jaamacadda Bosaso ayaa bishii juun 2016 ku guulaysatay koobka Jaamacadaha ee magaalada Garoowe.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST