Derby Madrid oo Caawa isaga hor iman doona Afar dhamaadka Champions League-ga

Kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa caawa isaga hor iman doona kulanka lugta hore ee wareega Afar dhamaadka (Semi-final) tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga.

Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku soo dhaweyn doonta caawa kooxda aadka ay u xifaaltamaan ee Atletico Madrid, waana mid ka mid ah kulamada ugu xiiisaha badan ee dunida laga daawado.

Kooxda Real Madrid ayaa labo Final Champions League ka qaaday kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid sanadihii 2014-kii iyo 2016-kii kulamo ka kala dhacay Lisbon iyo Milano, halka Afar dhamaadka tartankana ay reebtay sanadihii 1958-dii iyo 1959-kii.

Kooxda Real Madrid ayaa kulankan waxaa dhaawac uga maqnaan doona weerar yahankooda Gareth Bale, halka Atletico Madrid ay dhaawacyo uga maqnaan doonaan laacibiinta Jaunfran, Gimenez iyo Fernandez.

Kulnaka lugta labaad ee ay labadan kooxood kula bixi doonaan ayaa dhacaya 10 bishan May, markaas oo ay ku kulmi doonaan garoonka Atletico Madrid ee Calderon.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood.

Real Madrid: Keylor Navas, Daniel Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo,Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Isco.

Atletico Madrid: Jan Oblak, Diego Godin, Filipe Luis, Stefan Savic, Lucas Hernandez, Koke, Saul Niguez, Yannick Ferreira-Carrasco, Gabi, Antoine Griezmann, Kevin Gameiro.

Warbixinka kulanka

Kulanka: Real Madrid vs Atletico Madrid

Tartanka: Champions League Semi-final, Game 1.

Wakhtiga: 9:45 PM

Garoonka: Santiago Bernabeu- Madrid

Garsooraha: Martin Atkinson (England).

 

Liban Yusuf

PUNTLAND POST