Xafiisyo iska kaashanaya sidii Musuqmaasuqa looga ciribtiri lahaa Puntland

Shir ay soo qaban qaabisay Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa maanta ka dhacay xafiiska Hay’addaas eemagaalada Garoowe.

Shirka oo ahaa kii ugu horreyey oo caynkan oo kale ah ayaa Mas’uuliyiintii dowladda ee shirkaas  ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maamiyadda dhinaca dakhliga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, , Agaasimaha Guud ee Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa , Guddoomiyaha hanti dhowrka ,  Xisaabiyaha Guud ee dowladda,  Agaasimaha guud ee Wasaaradda maaliyadda waaxda dakhliyada,  ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dowladda  ahna sii hayaha  xafiiska , Taliye ku xigeen ciidanka Booliska Puntland iyo Mas’uuliyiin kale oo  socday xafiisyada ku shaqada leh ilaalinta iyo dhowrista hantida  dadweynaha.

Shirka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii waaxyahan muhiimka ah ee dowladdu ay wada shaqayn dhow uga wada yeelan lahaayeen yaraynta iyo la dagaalankaMusuqmaasuqa iyo sidii xog isdhaafsi dhow ay uga  yeelan lahaayeen soo sheegista, yaraynta iyo ka hortagga musuqmaasuqa,  Daba galka iyo Maxkamadaynta ciddii lagu tuhmo ama ku sifowda arrimo la xiriira musuqmaasuq.

Dhanka kale waxaa la isla lafa guray sidii dakhliga berriga kor loogu qaadi lahaa, loona ilaalin lahaa  soo xerrayntiisa si shaqaalaha dowladdu ay u helaan mushahaar ku fillan oo joogta ah, dadweynuhuna u hellaan adeeg hufan oo ay ku qanacsan yihiin, sida dhinacyada Aminga,  Caafimaadka, Waxbarashada iyo kor u qaadista hanka iyo wacyiga dadka,

Ma’uuliyiintii ka soo qayb galay shirkan ayaa waxay hoosta ka xariiqeen  muhiimadda uu leeyahay shirkani, waxaana la isla qaatay in la joogteeyo oo bishiiba mar kulan kan oo kale ah la qabto, si loo sii wanaaajiyo adeegyada kala duwan ee loo hayo bulsha weynta reer Puntland, loogana hortago musuqmaasuqa noocuu doono ha ahaadee iyo wax kasta oo dib u dhac u keeni karaya ummadda reer Puntland.

Shirka oo jawi wanaagsan ku soo dhammaaday ayaa ka turjumaya sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay in wax la soxo, horayna loogu socdo.

Hay’adda Astaynta maamul wanagga iyo la dagaalanka musuqmaasuq ayaa waayadan danbe  waday olole ballaaran oo lagula dagaalamayo msuqmaasuqa, waxayna dhawaan dhamaystireen Laba dukuminti oo muhiim u ah dowladda kuwaas oo kala ah, siyaasadda dowladda ee ladagaalanka Musuqmaasuqa (Brief Policy ) iyo Axdiga adeegga dadweynaha ee Puntland (service delivery charter).

PUNTLAND POST