Wada hadaladii Galmudug iyo Ahlusunnah oo ku dhow in ay Fashilmaan

Waxaa Wali Hakad uu ku jiraa wada hadalo lagu waday in Ay Muqdisho ku yeeshaan Ahlusunno iyo Gal-Mudug.

Wada hadalada ayaan wali furmin qilaaf iyo is jiid jiid jira darteed waxaana jira shuruudo ay dhinacyadu soo jeediyeen.

Shirka ayaa lagu waday in 24-kii bishaan oo shalay ku beegneeyd in uu furmo hayeeshee waa uu baaqday shirkaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa qaban qaabisay shirkaasi .

Dhinaca Gal-Mudug ayaa Sheegay in Shirkaasi uu fashil ku dhowyahay iyaga oo sheegay in Doorashadooda ay qabsan doonaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay Shir Nabadeed oo ay ku heshiinayaan dhinacyada Gal-Mudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho