Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u duulay Waddanka Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Xildhibaano, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay Madaxda labada dowladooda inay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah labo dowladood oo saaxiib ah waxaana Turkigu uu ka caawiyaa Soomaaliya dhinacyo badan.

Hoos ka Daawo Qaar kamid ah Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho