Kulanka Jaamacadaha Dallada Al-Manaar ee Tacliinta sarre

Waxaa Kulan uga socday xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe  Jaamacadaha ku midoobay dallada tacliinta sare ee Al-Manaar iyadoo  lagu lafagurayey qodobo ay ka mid ahaayeen :-

  1. Tayaynta iyo kor u qaadidda tacliinta sare ee ay Jaamacaduhu ku hawllanyihiin.
  2. Xoojinta cilmi-baarista Jaamacadaha
  3. Iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista , tayaynta waxbarashada ,waxbarashada heerka labaad, iswaydaarsiga kaadirka aqoonyahaynka ah, maktabadaha I.W.M
  4. Magacaabidda hogaanka cusub ee Dallada sadexda sano ee soo socota.
  5. Dejinta qorshaha istiraatiijiga ah ee Al-manaar shanta sano ee soo socota.

Qodobadaan iyo kuwo kale ayaa ka mid ahaa ajandaha shirka jaamacadaha lagaga dooday , waxaana ilaahay mahadiisa in kulankaanu ku soo idlaaday si guul ah go’aamo iyo is afgaradna laga wada gaaray dhamaan qodobadii ajanduhu ka koobnaa.

Waxaa xusid mudan in jJamacadahan ku bahoobay dalladda Al -Manaar ay ku kala yaallaan deegaannada  Puntland, Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya ayagoo tira ahaan  gaaraya ilaa sagaal jaamacadood.

Shirkaan ay  Jaamacaduhu isugu yimaadeen waa kiisii 3aad , waaxana sanadkaan martigalisey Jaamacadda Bariga Afrika, wuxuuna ka dhacayey xarunteeda Garowe.

Hogaanka cusub ee dallada tacliinta sare ee Al-Manaar ayaa loo magacaabay _Dr Xasan Sh Cali  oo ah gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Najaax-Burco , xilkaan oo uu kala wareegay Dr. Xassan Al-Basri Sh. C/qaadir Maxamed – guddoomiyaha Jaamacadda Al-Imaam-Muqdisho oo ahaa gudoomiyihii xilligiisu dhamaaday.

Magacyada ka qaybgalayaasha :

  1. Dr Xasn Albasri sh C/qaadir Jaamacadda Imam.
  2. C/laahi Maxamed Ciise Jaamacadda Islaamiya
  3. Sh Maxamed Muuse Maxamed       Jaamacadda beledwayn
  4. C/casiis Xasan Faarax Jaamacadda Jamhuuriya

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST