Al-saadicuun oo isku difaacay shir GAROOWE lagu-la yeeshay

Rag ka tirsan Urur diimeedka Al-saadicuun oo dhawaan looga dhawaaqay dalka Masar waxa maanta kula shirey magaalada Garowe Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland, waxayna si wada jir ah shirkoodii ka dib ula hadleen saxaafadda.

Jamaal Xasan Muuse oo ka tirsan urur diimeedka Al-saadicuun ayaa ka bixiyay sharaxaad dheer hadafka ay aaminsan yihiin oo uu sheegay inuu gundhiga 1aad u yahay ilaalinta iyo dhawrida Amniga iyo horumarka bulshada, Isagoona meesha ka saarey inay yihiin kuwo fawdo iyo qas u horseedaya diinta, Amniga iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu si adag u sheegay Jamaal Xasan inaysan isku barnaamij ahayn Ururka Al-saadicuun iyo Urur diimeedka Takfiir, Isagoona carabka ku dhuftay inay jiraan qodobo iyo manaahij ay isku khilaafsan yihiin Al-saadicuun iyo Takfiir.

Jamaal Xasan ayaa ka codsaday Masuuliyiinta iyo Dowladaba in laga dhagaysto waxay aaminsan yihiin ka hor intii jawaab looga dhigi lahaa qofkii ka tirsan Ururkooda xarig, dil iyo hanjabaad, wuxuuna codsadey inaan Al-saadicuun loo qaban urur diimeedyo kale oo ay ku kala aragti duwan yihiin manaahij .

Wuxuu si weyn uga horyimid Islamarkaana cambaareeyay Jamaal Xasan hadafka ay ku dagaalamaan Ururka Alshabab oo uu ku tilmaamay inuu yahay qaab diinta ka cayrinaya dadka diinta Islamarkaana aan ku salaysnayd arrimaha jihaadka iyo u gargaarida diinta.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay isku afgarteen Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland ka hor inta aan gacanta la isula tagin inay isula soo hor fariistaan wada hadal ragga ka tirsan Ururka Al-saadicuun.

Wuxuuna sheegay inay isku afgarteen raggaan ka tirsan Al-saadicuun si kumeel gaar ah qodobo dhawr ah oo ay ugu horeeyaan inaysan ka mid ahayn Urur diimeedka Takfiir, Inaysan wax hub ah iyo arrimo lagu tuhmi karo oo la xiriira qalalaase qaabkoodu u ekaan karin, inay ka aaminsan yihiin dowlada iyo shacabkeedaba dad muslim ah oo aysan gaalaysiin karin iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.