PUNTLAND oo wado cusub u diyaarisay isu socodka Gadiidka Garowe iyo Gaalkacyo

Gudoomiye kuxigeenka ahna ku simaha Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland Siciid Maxamuud Jaamac (Surlac) iyo Injineer Abshir Darwiish ayaa kormeer maalin qaatay kusoo sameeyay halka ay mareyso diyaarinta dhabo Hay,adda Wadooyinka Puntland u qorsheysay inay isticmaalaan gadiidka u kala goosha inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo inta uu socdo mashruuca lagu dayactirayo laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo.

Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA) oo door muhiim ah ka ciyaareysa kaalinta kaga beegan hirgalinta mashruuca dayactirka laamiga dheer ee Gaalkacyo iyo Garowe ayaa 25 cisho ee lasoo dhaafay ku guulaysatay samaynta ilaa 17 KM oo aan laami ka dhicin oo qorshuhu yahay inay ku safraan gadiidka xamuulka iyo kuwa kale ee isaga kala goosha Gobolada inta uu socdo wajiga 1aad mashruuca lagu dayactirayo wadada laamiga ee u dhaxaysa Degmada Xarfo ilaa Tuulo jalam ee Gobolka Nugaal.

Kormeerkan oo ahaa midkii 2aad oo masuuliyiinta hay,adda wadooyinka Puntland kusoo indho indheeyeen halka ay mareyso shaqadu sidoo kalena ay kula soo shiraan shaqaalaha ku hawlan bixinta dhabaha cusub, waxa uu ugu hambalyeeyay Gudoomiye Siciid Maxamuud Jaamac ummadda Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland inuu bilowday mashruucii mudada dheer laga dhursugayay ee dhismaha laamiga isku xira Garowe iyo Gaalkacyo Islamarkaana ay si masuuliyad leh u buuxisay Hay,adda PHA doorkii kaga aadanaa Dowlad hirgalinta mashruucan.

Todobaadyada soo socda ayaa lagu wadaa inay bilowdo dib u dhiska laamiga u dhaxeeya magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo shirkadda ISXILQAAN oo ku guulaysatay tartankii qandaraaska mashruucan oo ay Puntland ka taageerayaan dalalka midowga yurub oo ay wakiil uga tahay Hay,adda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Daawo warbixin uu kusoo bandhigayo Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST