Puntland oo bilowday tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda

Kulan si rasmi ah loogu daah furayey tiro koobka shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda Puntland ayaa maanta ka furmay Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona ay kulanka koob joog ka ahaayeen Masuuliyiin ka kala Socda Madaxtooyada, Wasaaradda Shaqada, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah guddiga dib u habaynta shaqaalah, Hantidhowrka guud ee dawladda, guddiga xiriirinta Mashruuca ee PCU iyo khuburo ka socota Bangiga Adduunka.

Ujeedada tiro koobka shaqaalaha rayidk ah ee dawladda ayaa salka ku haysa ballanqaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ahaa dib u habaynta iyo tayayanta dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Gudoomiyaha Hay`adda Shaqaalaha Puntland Mustaf Siciid Shabac oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Shaqaalaha la tiro koobi doono, ayna qeyb ka tahay barnaamijka dawladda ee dibu habeynta Shaqaalaha oo dhan.

Guddoomiye Shabac wuxuu sheegay in si cadaalad ah loo gali doono tiro koobkan, isagoo mar kale hoosta ka xarriiqay in ay  dawladda Puntland, gaar ahaana guddigoodu ku shaqeynayaan nidaam hufan oo la hubiyey.

Hanti Dhowraha guud ee dawladda Puntland Jaamac Maxamed Cismaan oo ahaa Shaqsigii lagu bilaabay tiro-koobka ayaa bogaadiyey talaabada ay iska kaashanayaan Bangiga Aduunka & Guddigu Dibu habeynta Shaqaalaha dawladda.

Agaasimaha Madaxtooyada dawladda Puntland Abdinaasir Biixi Soofe ayaa cadeeyey in ay dawladda ka go’antahay in Xaquuqda Shaqaalaha la ilaaliyo, oo aysan jiri doonin cid lagu tumanayo Xaquuqdooda, isagoo guddigana kula dardaarmay in ay ilgaar ah ku eegaan Xaquuqda dadka howlgabka ah.

Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha ee dawladda Puntland Cabdiraxmaan Sh Axmed Cabdulle ayaa ka sheegay kulankan in dhammaan kooxaha ka socda Guddiga Dibu habeynta Shaqaalaha dawladdu ay tagi doonaan dhammaan degmooyinka dalka ee ay joogaan shaqaale, isla markaasna ay soo tiro koobi doonan.