Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo saaka Afar ruux ku Toogatay Baydhabo

Baydhabo-[Puntland Post] Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa saaka afar ruux ku toogatay magaalada Baydhabo, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay horay qaraxyo uga geysteen magaalada.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa afarta ruux ku eedaysay  in ay soo abaabuleen qaraxyo ay ku dhinteen dad badan ,islamarkaana ay ka tirsanayeen Al-Shabaab.

Toogashada ayaa saaka ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  Jen. Liibaan Cali Yarow iyo Saraakiil kale.

Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Maamulka Konfur Galbeed soomaliya  ayaa horay waxaa uga dhacay xukuno dil ay fulisay Maxkamadda ciidamada, iyadoo Maxkamadda dilal ku xukuntay rag lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo askar dad shacab ah dilay

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST