Gothenburg:-Masuuliyiinta Amtel oo dadwaynaha usoo bandhigey saamiyo

Masuuliyiin ka socda shirkada Taleefoonada ee Amtel oo qeyb ka ah shirkadda Amal ayaa kulan ballaran ku qabtay caasumadda  labaad ee dalka Sweden, ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii dadwaynuhu ay saamiyo ugu darsan lahaayeen shirkaddan cusub oo dhawaan ka hirgali doonta dalka Somaaliya.

Maareeyaha Shirkadda Sayid Maxamed Cabdulle ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay shirkadan isaga oo sheegey in ay rajaynayaan muddo gaaban in dalka oo dhan ay wada gaarto.

Yacquub Maxamed Ciise Guddoomiyekuxigeenka Shirkadda Amtel ayaa sheegey in shirkadda xarunteedu tahay magaalada Muqdisho maadaama uu yaalo xariga Internetku, waxa uu sheegey in shirkaddu ka heshey sharciga laysanka DFKS iyo dhammaan maamulgoboleedyada dalka.

Waxa uu sheegey in saamiga 45% ay doonayaan in dadwaynuhu ay shirkadda ku yeeshaan halka  55% ay shiraddu yeelaynayso, waxa ii sheegey in halkii saamiba u yahay kun doolar ugu yaraana qofku uu ku darsan  karo shirkadda 5 saami taas oo macnaheedu yahay in 5kun oo doolar ugu yaran saamigu noqonayo.

Waxa uu sheegey in dhammadka sanadkan ay shirkaddu ay adeegeeda si toosa u bilaabi doonto inta ka horeysana ay si wanaagsan u diyaar garoobayaan.

Amtel oo ah shirkad isgaarsiineyd ayaa qeyb a ah shirkadda AMAL oo ka mid ah shirkadaha  ganacsi ee  waa wayn ee dalka ka jira.

PUNTLAND POST