El Clasico: Barcelona oo guul ka gaartay Real Madrid

Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda ay xifaal tamaan ee Real Madrid kulankii xiisaha lahaa ee El Clasico, ka dib markii ay 3-2 ugu awood sheegatay ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu ee magaalada Madrid.

Real Madrid ayaa qeybtii hore ee ciyaarta gool la hormartay daqiiqadii 28-aad markii uu gool u dhaliyey Casemiro, laakin Lionel Messi ayaa gool qurux badnaa ku barbareeyey daqiiqadii 33-aad ee isla qeybtii hore ee ciyaarta.

Barcelona ayaa goolkeeda labaad heshay qadiiqadii 73-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta, ka dib markii uu gool u dhaliyey Ivan Rakitic, shan daqiiqo ka dib Real Madrid ayaa la kulantay masiibo markii difaacooda Sergio Ramos loo taagay Kaadhka Cas, ka dib markii uu khalad ku galay Lionel Messi .

Laakiin Real Madrid ayaa goolkeeda barbaraha la timid daqiiqadii 86-aad ee dhamaadka ciyaarta, markii uu gool u keenay James Rodriguez.

Lionel Messi ayaa goolkaas wax kamajiraan ka dhigay wakhtigii dheeriga  ahaa ee ciyaarta markii goolkii 500-aad oo uu Barcelona u dhaliyo uu guul ku gaarsiiyey kooxdiisa kulankii El Clasico,waxayna ciyaartu ku soo idlaatay 3-2.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa hada wadaaga min 75-dhibcood, inkastoo Real Madrid uu kulan baaqi u yahay.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST