Dab Ka Kacay Xiro Barakac Muqdisho

waxaa Goordhow dab uu ka kacay  xerada xaqootiga Badbaado oo ku taalo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir .

Goob jooge ku sugan halka uu dabka ka kacay ayaa waxa uu PUNTLAND POST  u xaqiijiyey in dabka uu ka bilaawday Bac-qafiif ku dhacday jiko shidan, halkaasina dabka uu kusii faafay guryahii cooshadaha ka sameesnaa ee ku xeernaa halkaasi.

waxuuna sidoo kale inoo sheegay in dabkaasi uusan geesan qasaaro nafeed balse halkaasi ay ku bur bureen guryaha qaxootiga oo uu dabka qabsaday waxayna guryaha gubtay lagu sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 35 guri oo ah nuuca loo yaqaan Buushka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho