Ciidamada PSF Puntland oo u gurmaday xaafado ku yaala Garowe

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa gurmad biyo dhaan u sameeyay qoysas ku nool qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Garowe oo bilihii u dambeeyay ay lasoo daristey biyo yari soo wajahday,waxayna qeyb ka noqonaysaa talaabadani hawlo samafal oo ciidanka PSF  mudooyinkii u dambeeyay ka samaynayeen deegaanada Puntland.

Dadka ku nool xaafadda Israac ee magaalo madaxda Puntland Garowe ayaa sheegay inay si joogto ah ugu biyo dhaaminayeen ciidanka PSF labadii bilood ee lasoo dhaafay .

Abaarta ka jirta Puntland ayaa sida muuqata saamayn xoog leh ku yeelatay miyi iyo magaalaba, waxayna mareysaa heerkii ugu kululaa abid taariikhda inta laga war hayo.

Daawo Gurmadka Ciidanka PSF Puntland .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST