Shir lagu shaacinayey xilliga lasoo xayaysiinayo wejiga labaad ee shaqaalaha Puntland oo ka dhacay Garoowe

Shirkii billaha ahaa ee guddiga farsamo ee fulinta Mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee Bangiga adduunku uu ka caawinayo dawladda Puntland (Technical Implementation committee) oo maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira dardargelinta Mashruuca CIP.

Arrimihii sida gaarka ah shirka loogu lafo guray waxaa kamid ahaa Wejiga labaad ee Mashruuca oo dhowaan bilaabanaya iyadoona wejiga labaad ee shaqaalaha ay dawladdu qaadan doonto ay kor u dhaafi doonaan 80-boos isla markaana  loo qaybiyey labo dufcadood iyadoo dufcadda koowaad dhowaan la soo xayaysiin doono halka dufcadda labaadna ay kuxigi doonto marka lasoo geba-gebeeyo dufcadda koowaad.

Sidoo kale waxa laysla qaatay in lasoo dhammaystiro shaqo-qeexidaha (ToR) dhammaan shaqaalaha la qaadanayo dufcadda koowaad ugu dambayn maalinta khamiista ah ee soo socota kadib lasoo xayaysiin doono dufcadda koowaad si ay ugu soo tartamaan muwaadiniinta wax kusoo bartay Jaamacadaha gudaha dalka iyo dibaddaba.

Muddadii shirku socdey waxa aad loogu lafoguray halka uu marayo barnaamijka dib uhabaynta shaqaalaha dawladda iyadoona laysla qaatay in maalinta berri ah si rasmi ah loo bilaabi doono guud ahaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda, sidoo kale waxa shirka lagu soo bandhigay warbixino laga diyaariyey dhawr Siyaasadood oo cusub oo lagu hagi doono shaqaalaha dawladda.

Shirka waxaa kasoo qayb galay hay’adda shaqaalaha rayidka ee dawladda PL, guddiga xiriirinta Mashruuca ee PCU, Wasaaradaha Qorshaynta, Shaqada iyo Shaqaalaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, iyadoona sidoo kale shirka lagu xusay faa’iidayinkii laga dhaxlay wejigii koowaad ee Mashruuca ee la qaatay 60-qof kuwaas oo isbeddel mugleh ku sameeyey xarumihii lageeyey.

—DHAMMAAD—