Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maaamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ahaa Wasiirka Difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo Wasiiru dowlaha Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo Aqalka sare.

Madaxweyne Farmaajo oo ay soo dhaweeyeen Madaxda maamul goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladdu ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayna sii wadayaan in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed inay la shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay wax badan ka qabato.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo waxa ay u kuurgeli doonaan xaaladda beni’aadanimada iyo amniga eek a jirta deeegaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

PUNTLAND POST – BAYDHABO