France: Doorashada Madaxtinimada oo socota

Shacabka dalka Faransiiska ayaa saaka u dareeray codbixinta doorashada Madaxtinimada dalkaas, iyadoo Amaankana si aad ah loo adkeeyey.

Ciidamada ad u farabadan oo isu jira Boolis iyo Milateri ayaa la geeyay goobaha codbixinta gobolada dalkaas oo dhan si ay Amaanka usugaan.

11 musharax ayaa u tartamaysa madaxtimada dalka Faransiiska, waxaana wareega labaad u gudbi doona labada musharax ee ugu codka badan.

Musharaxiinta ugu cadcad ayaa kala ah François Fillon oo hogaamiya xisbiga mucaaradka dalkaas, Marine Le Pen oo hogaamisa xisbiga National Front, Emmanuel Macron iyo Jean-Luc Mélenchon, waxayna ku kala duwan yihiin afkaar ay ka mid yihiin dadka soo galootiga ah, siyaasada Yurub iyo dhaqaalaha.

Maalmo ka hor dalka Faransiiska waxaa ka dhacay reer uu Nin  Boolis ah ku dhintay, kaas oo uu fuliyey Nin looga shakisan yahay in uu ka tirsan Daacish oo lagu magacaabo Karim Cheurfi.

Wixii ku soo kordha Doorashada waxaad kala socon doontaan Puntland post