El-Clasico: Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo caawa Fooda isdaraya

Waxaa Caawa Dunida oo idil Looga Diyaargaroobayaa Daawashada Mid kamid ah Ciyaaraha Sida aad ah looga Xiiseeyo Dunida.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa fooda isdari doono Caawa  9:45 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika Caawa haddii Alle idmo.

Kooxda Real Madrid ayaana Gurigeeda ku soo dhoweeyn doonto kooxda ay Spain ay ka wada dhisanyihiin ee Barcelona.

Macalinka Barcelona Luis Enrique Ayaa Leylin Doona kulankii ugu dambeeyay ee Elclasico maadaama uu kooxda katago .

Rajada Horyaalka Dalka Spain Ayaa waxaa ay ku xirantahay kulanka caawa iyo cida badin doonto .

Waxaa Xusid mudan in kulankaasi uu ka maqnaan doono laacibka u dhashay Brazil ee Neymar,

Barcelona oo ka dhacday tareenka Championka ayaa caawa dadaal ugu jirta sidii ay dhinaceeda dhulka u dhigi laheyd Kooxda Cad Cadka ah Real Madrid.

LINE UP MACQUULKA AH Ee Real Madrid:

Nacas, Nacho, Ramos, Carvajal, Marcelo, Casemiro, Kroos, Modric, Benzema, Bale, Ronaldo.

Barcelona:

ter Stegen, Pique, Umititi, Roberto, Alba, Busquets, Iniesta, Rakitic, Messi, Suarez, Alcacer

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post