Ciidamada Puntland oo Qarax lagula beegsaday Buuraleyda Galgala

Galgala-[Puntland Post] Inta la og yahay 5 Askari ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhawacmeen   Qarax Banbo oo  lala beegsaday mid kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidamada dawladda Puntland oo marayey mid kamid ah wadooyinka Buuralayda Galgala.

Dhaawac iyo dhimashad ayaa la keenay Isbitalka wen Ee Magaalada Boosaso Ee Xarunta gobalka Bari, si xaladooda Caafimad lagu la tacaalo Askarta dhaawaca ah.

Xafiiska warbahinta Puntland Post ee Boosaso uu xiriir la sameyey Masuuliyiinta isbitlak Wen Ee Boosaso ayeyna u suura galin in aanu wax ka waydiino tirada rasmig ah Ee dhawaca iyo dhimashad leh Ee la soo gar siyey Isbtalkka wen Ee Boosaso.

Ciidmada Puntland iyo Ururka Al-Shabaab ayaa isku hor fadhiya Buuralayda Galgala ee Gobalka Bari, waxaana halkasi marar badan ka dhasha iska hor imad labada dhinac ah, kaas oo sababa khasare Xoogan.

Wixii soo kordha Isha ku hay Puntland Post insha allah

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST