Tafatiraha Warbaahinta PUNTLAND POST oo Xabsiga loo Taxaabay

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa Xabsiga utaxabay saaka Tafatiraha Warbaahinta PUNTLAND POST  Abshir Dhiirane, xili uu ku sugnaa Goobtiisa shaqada .

Lama oga xariga loo gaystay Abshir dhiirane sababta ka danbaysa iyo waxa uu salka ku hayo .

Ciidanka ammaanka Puntland weli wax faah faahin kama aysan bixin xariga Tafatire Abshir Dhiirane.

Madaxda Puntland ayaa Caburin iyo Caga jugleen joogto ah u gaysta Wariyaasha Madaxa banaan ee fadhigoodu yahay deeganada Puntland.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST