Maxkmada Ciidamada oo Dil ku Fulisay eedeeysane Dad Ku Dilay Muqdisho

Askariga saakay dilka toogashada ah lagu fuliyay waxaa uu horay u dilay tima jare oo uu ugu tagay goobtiisa ganacsi, tima jaraha ayaa la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla , waxaana ay ku murmeen in isaga laga hormariyo macaamiisha kale, muran dheer kadib Ex-A-le- Bol. Axmed Cabdi Maadeey waxaa uu si bareer ah u toogtay Allaha unaxariiste Tima jire Maxamed Cali Cabdalla.

ku xigeenka xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Dahamme Muumin Xuseen Cabdullahi ayaa warbaahinta la hadlay kadib dilkii toogashada ahaa ee lagu fuliyay Ex-A-le- Bol. Axmed Cabdi Maadeey

“Taariikhdu Markay Ahayd 13/03/2016 Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey 28 jir ah Ina Khadiijo Kuusoow ku dhashay Bu,aale ka tirsanaa Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in uu dilay Marxuum la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla , Tr. 05/01/2016 dilkaas oo ka dhacay degmadda Afgooye, waxayna ku Xukuntay Diyadii Marxuumka .

Waxaa rafcaan ka qaatay Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q. Sida Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Taariikhdu markii ay ahayd 30/07/2016 waxay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey waxayna ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamad Cali Cabdalla.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/04/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka ahaa.”

….. WABILLAAHI TOW-FIIQ….