Afar dhamaadka Champions League-ga oo la Qori tuuray

Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa goordhaweyd ka dhacay Qori tuurka isku Aadka Afar dhamaadka (Semi-finals) tartanka kooxaha horyaalada QaaradaYurub ee Champions League-ga.

Kooxaha reer Spain ee Derby Madrid ayaa isku Aaday Afar dhamaadka tartankan, sidoo kale kooxda Juventus ee reer Talyaani ayaa ku Aday kooxda reer France ee As Monaco.

Kooxaha ayaa isugu Aaday sidatan Real Madrid vs Atletico Madrid, Juventus vs As Monaco

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa lugta hore ee Semi-finals-ka tantankan ciyaari doonaa 2-da bisha soo socota ee May, halka Juventus iyo As Monaco lugta hore ciyaari doonaan 3-da May.

Sidoo kale Juventus iyo As Monaco ayaa lugta labaad ciyaari doona 9-ka bisha May,  halka Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa lugta labaad ciyaari doonaan 10-ka isla bishaas May.

Finalka tartanka ayaa dhici doona 3-da bisha June, wuxuuna ka dhici doonaa garoonka Cardiff ee Wales.

Dhanka kale waxaa laysku Aadiyay Afar dhamaadka tartanka labaad ee kooxaha horyaalada QaaradaYurub Europa League-ga, waxayna isugu Aadeen sidatan.

Ajax  oo Nederland ka socota iyo Lyon oo France ka socota

Celta Vigo oo Spain ka socta iyo Manchester United oo England ka socota.

 

Liban Yusuf

Puntland Post