Juventus iyo As Monoco oo u soo baxay Afar dhamaad Champions League-ga

Kooxaha Juventus iyo As Monoco ayaa u soo baxay wareega Afar dhamaadka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, kadib markii ay caawa guulo ka soo gaareen kulamadii lugta labaad ee wareega Sideed dhamaadka tartankaas.

Kooxda Juventus ayaa ka soo talaabsatay Barcelona oo ay marti ugu ahayd garoonkeed Camp Nou, markii ay barbaro goolal la’aan ah ku kala baxeen, waxayna  difaacatay natiijadii lugtii hore ee ay gurigeeda ku soo gaadhay oo ahayd 3-0.

Barcelona ayaa haysatay fursad 90 daqiiqo ah oo ay dhinaca kale uga dhigi kartay natiijadii lugtii hore looga soo badiyay, laakiin taas waxaa diiday difaacyada  khibrad badan ee Juventus, waxayna Barca awoodi wayday in ay kulankii 16-aad oo Champions League-ga oo xidhiidh ah guul ku gaadho Camp Nou.

Dad badan ayaa Aamin sanaa in Barcelona ay Camp Nou ku samay karto soo laabashii mucjisada ahayd ee PSG oo kale, laakiin Juventus ayaa ka badbaaday Imtixaankiaas waxayna ku dabaal dagtay Camp Nou oo kumanaan taageerayaal oo reer Catalonia ah ku sugnaayeen.

Dhanka kale kooxda reer France ee AS Monoco ayaa gurigeeda guul ku gaadhay, markii ay 3-1 ugu awood sheegatay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund, iyadoo kulankii lugtii horana ku soo adkaatay 3-2 waxayna celcelis ahaan ku soo badxay AS Monoco 6-3..

Kooxaha Juventus iyo AS Monoco ayaa wareega Afar dhamaadka Champions League-ga, kula biiray kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid, waxaana loo qori tuuri doonaa 21-ka bishan.


Liban Yusuf

PUNTLAND POST