Garowe oo laga dhagax-dhigey Dhismaha Jaamacadda Caluumta & Farsamada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee dawladda Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo masuuliyiinta degmada, Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa si wadajir ah u dhigax-dhigay dhismaha cusub ee Jaamacadda Caluumta & Farsamada oo laga hirgalinayo magaalada Garoowe ee caasumada Puntland.

Eng Abshir Cabdullaahi Diiriye oo kamid ah Abaabulayaasha Jaamacadda Caluumta & Farsamada ee Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqada jaamacadda  iyo sababaha waqtigan keenay in laga dhigo xarunteeda magaalada Garoowe.

Duqa magaalada Garoowe Xasan Cismaan Goodir oo isna hadlay ayaa sheegay inay tahay talaabadaan caasumadda looga hirgaliyey jaamacaddaan ay tahay mid wanaagsan, ayna ku taageereen dhulka jaamacadda laga dhisayo oo ay ka dhagax-dhigeen meel muhiim ah.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah Isimadda Puntland ayaa u mahad celiyey cid kasta oo ka shaqeysa dhismaha jaamacaddan, wuxuuna cadeeyey in Aqoonyahanadan fikradan keenay ay wax ka bedelayaan sawirka horey looga haystay dadka dibada ka soo laabanaya ee imaanaya gudaha dalka.

Cismaan Cali Guureeye oo ka mid ah masuuliyiinta kulliyadda farsamada gacanta ee GVTC ayaa faahfaahin ka bixiyay siyaabaha ay u wada shaqeynayaan Jaamacadda iyo Xarunta Farsamada Gacanta ee GVTC.

Wuxuuna sheegay inay mar walba tabayeen baahida jaamacaddaan, Islamarkaana kulan ay yeesheen Injineerada iyo maamulka kulliyadda GVTC ay isla qaateen inay mideeyaan Jaamacadda iyo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee dawladda Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa sheegay in ay Puntland horumar wanaagsan ka gaartay dhinaca Waxbarashada, ayna tahay Hormuudka dhanka Waxbarashada ee guud ahaan Soomaaliya, ayna sii wadi doonaan dadaalka kor loogu qaadayo tayada iyo xarumaha Waxbarashada.

Waa markii ugu horeysay ee Puntland laga hirgalinayo Jaamacad lagu baranayo Caluumta Seyniska & Farsamada gacanta oo ay baahi weyn u qabeen Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana kan mandiqada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST