Dowlada Soomaaliya oo Amar ka soo saartay Urur diimeedka Al-saaciduun Bil Xaqi

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Amar ka soo saartay Urur diimeedka la macbaxay Al-saaciduun Bil Xaqi oo dhawaan laga dhawaaqay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

War qoraala oo ka soo baxay Wasaarada Awqaafta iyo  Arimaha Diinta dowlada Federalka Soomaaliya aya lagu sheegay in Wasaaradu daraaseysay  kooxdaas ogaatayna in ay tahay TAKFIIR-kii la asaasay 40 sano ka hor oo magaca badashay, dadkana ay u arkaan Gaalo.

Sidoo kale Wasaarada ayaa ayaa uga digtay xubnaha ka mid ah kooxdaas in ay dalka ka sameeyaan dhaqdhaqaaqyo iyo isku imaati, sidoo kale aysan soo saari Karin Bayaan.

Somaliland iyo Puntland ayaa horey Amaro lagu mamnuucayo ka soo saaray Urur diimeedka la macbaxday Al-saaciduun Bil Xaqi.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka


PUNTLAND POST