Daawo Ciidamada PSF Puntland oo u gurmaday Buuhoodle

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa ku wareejiyay maanta Masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka iyo Xukuumadda Puntland deeq isugu jirta Daawo,Biyo iyo Caano oo loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaro iyo cuduro oo ku nool deegaano ka tirsan Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Deeqdaan oo ahayd mid ciidamadu kusoo iibiyeen qeyb ka mid ah mushahaarooyinkooda ayaa noqonaysa gurmadka ay maalmihii u dambeeyay Ciidanka PSF ku taakuleynayeen dadka iyo qoysaska ku nool deegaano ka tirsan Gobolada Nugaal,Karkaar, Mudug, Bari iyo Sanaag.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ka hadlay wareejinta deeqdaan ayaa si weyn ugu mahadceliyay saraakiisha iyo ciidanka PSF oo ay ku amaaneyn in kaalinta 1aad uu ka galay caawinta dadka ku waxyeeloobay abaarta ka jirta dalka.

Daawo muuqaal ku saabsan gurmadka Gobolka Cay nee ciidanka PSF ee Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST