Ciidamada PSF Puntland oo u gurmaday abaarta ka jirta Gobolka Cayn

Ciidanka PSF oo qeyb libaax ka ciyaaraya gurmadka lagu samata bixinayo dadka abaartu saameysay ayaa maanta deeq isugu jirta Daawo,Biyo iyo Caano ugu deeqay deegaano ka tirsan gobolka Cayn oo ay dadka ku nool la ildaran yihiin xanuuno iyo abaar  baaxad leh oo sababtay oon iyo cunto la,aan.

Agaasimaha Gobolka Nugaal ee Ciidanka PSF Puntland Gaashaanle sare Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa maanta ku wareejiyay deeqdaan masuuliyiin ka tirsan baarlamanka iyo Xukuumadda Puntland oo usii gudbiyay deeqdaan guddiga abaaraha iyo maamulka Gobolka Cayn.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Eng Cabdulaahi Tima-cade ayaa si weyn uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan ciidanka PSF ee Puntland samatabixinta dadka walaalahood ah oo abaartu saamaysay,wuxuuna sheegay inay yihiin ciidanka PSF ciidankii ugu horeeyay oo u damqada dhibaatada iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku nool miyiga iyo dhulka abaartu ka jirto.

Sidoo kale Xildhibaano iyo Gudoomiye kuxigeenka baarlamanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji oo lagu wareejiyay deeqdaan ayaa ku amaanay ciidanka PSF kaalinta ay kaga jiraan gurmadka lagu caawinayo qoysaska la ildaran abaarta ka jirta Puntland.

Daawo Sawirada.


Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.