Shir looga hadlayo waxqabadka iyo qorshaha Wasaarada Qorsheynta Puntland oo soo xirmay

Wasarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ee Caasumada Puntland kusoo gaba-gabeysay kulan socdey labo maalmood oo looga hadlayo waxqabadka sanadkii 216 iyo Qorshaha u degsan sanadkan 2017.

Kulankaan oo ay goobjoog u ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasimo waaxeedyada,Madax qeybeedyada, La Taliyayaasha iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland iyo Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay,addaha Dawlada ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay xarunta hido raac ee ku taala duleedka magaalada Garowe.

Muuse Ducaale oo ah Madaxa Mashruuca Tayeynta iyo Hay’addaha Dawliga ah ayaa uga mahadceliyay madaxda wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Puntland shaqada wanaagsan oo wasaaraddu u hayso bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax oo si rasmi ah usoo xirey shirkaan looga hadlayay dib u eegida waxqabadkii sanadkii lasoo dhaafay iyo hawlaha u qorsheysan sanadkaan 2017 ayaa sheegay in sanadkii horre la qabtey shaqooyin badan, Islamarkaana Wasaaraddu qaban doonto qorshayaasha u degsan sanadkaan 2017.

Waxaana ka mid ah Qorshaha socda ee 2017-ka oo uu ka dhawaajiyay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

  1. Hirgelinta Madasha Horumarinta Puntland (Puntland Development Forum) Iyada oo laga shaqaysiinayo Qaybaha is leh ee Shaqooying (Sector Working Groups) ka ku cad Qorshaha Horumarinta Puntland (Puntland Revised Development Plan)
  2. Siyaasada La Socodka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation Policy)
  3. Siyaasadda Deeqaha (Aid Coordination Policy)
  4. Sharciga Hay’addaha aan Dawliga ahayn (NGO Act)
  5. Sharciga Istaatistikada (Statistics Act)
  6. Istaraatiijiyada Istaatistikada (Statistics Strategic Plan)

Sawiro.

Garowe

PUNTLAND POST