Real Madrid iyo Atletico Madrid oo u soo baxay Afar dhamaadka Champions League-ga

Kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa u soo baxay wareega Afar dhamaadka ee tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, ka dib mar ay guulo ka gaareen kulamadii lugta labaad ee wareega Sideed dhamaadka.

Real Madrid 4-2 Bayer Munich

Real Madrid ayaa  4-2 ugu awood sheegatay Toban ciyaartow oo Bayer ah Wagtigii dheeriga ahaa, kulan ay marti ugu ahayd garoonkeeda Santiago Bernabeu, iyadoona Laacibka Aduunka C.Ronaldo uu dhaliyay Sedddexlay halka goolka Afraad uu raacsaday Marco Asensio.

Bayer Munich ayaa gool la hormartay daqiiqadii 53-aad markii uu Casemiro xerada ganaaxa dhexdeeda khalad kugalay Arjen Robben, waxuuna uu garsoore Viktor Kassai ku tilmaamay ganaaxaas Rigoodhe iyadoo uu gool u baday Robert Lewandowski.

Laakiin C.Ronaldo ayaa daqiiqadii 76-aad ukeenay kooxdii goolka barbaraha, markii uu caawinaad fiican uu ka helay Casemiro, laakiin difaaca Real Madrid Sergio Ramos ayaa kooxdiisa niyad qabiyay hal daqiiqo kadib markii uu gool iska dhaliyay, taas oo ay  Baryer hogaanka ku qabatay 2-1.

Bayer Munich ayaa musiibo la kulatay daqiiqadii 84-aad ee dhamaadka ciyaarta markii  laacibka khadka dhexe ee Arturo Vidal  oo digniin hore qabay loo taagay Kaadhka Cas, khaladkaas oo uu sabateeda lahaa tababare Carlo Ancelotti oo aan bedel ku samayn laacibkaas.

C.Ronaldo ayaa labo gool kooxdiisa u keenay wakhtigii dheeriga ahaa daqiiqadihii 105-aad iyo 110-aad, iyadoona uu ugu danbayn goolka Afraad ku sooxiray Marco Asensio daqiiqadii 112-aad.

C.Ronaldo ayaa markale Rikoodh cusub dhigay markii uu dhaliaya goolkii 100-aad ee Champions League-ga, halka uu kulankii hore dhaliyay goolkii 100-aad ee tartamada Yurub.

Atletico Madrid 1-1 Leicester City

Kooxda Atletico Madrid oo ay magaalo kawa dhisanyihiin Real Madrid ayaa iyana iska xaadirisay Afar dhamaadka koobkan, ka dibmarkii ay 1-1 lagashay kooxda reer England ee Leicester City oo ay marti uu ugu ahyd garoonkeeda King Power.

Atletico Madrid ayaa goolka la hormartay daqiiqadii 26-aad waxaana u dhaliyay Saul Niguez,laakiin Leicester City ayaa barbaraysay daqiiqadii 6-aad waxaan u saxiixay Jamie Vardy.

Atletico Madrid ayaa ku badbaaday goolkii ay guusha ku soo gaadhay kulankii lugtii hore ee dhacay garoonkooda Vincente Calderon, waxay celcelis ahaan ku soo baxday 2-1.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa haatan kusugaya wareega Afar dhamaadka koobkan labada koox ee Habeen danbe ka soobaxa kulamada Barcelona vs Juventus iyo AS Monco vs Dortmund.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST