Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu Toogtay Dalka Mareykanka

Qaxooti Soomaaliyeed oo isla dhashay kuwaa oo ku noolaa dalka mareykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee Gobalka Ohio ayaa lagu dilay dhismaha guri ay ku noolaayeen.

Muwaadiniintan soomaalida ah ayaa lagu kala magaacaabayay Cumar Cabdiqadir Ali oo 25 jir ahaa, Cali Cabdulqadir Cali oo 23 jir ahaa Iyo Mohemded Deeq oo isna 23 jir ahaa falkaan lagu toogtay soomaalidaan ayaa dhacay kadib markii burcad hubeysan ay isku dayeen in ay dhacaan.

Waxaa sidoo kale dhaawac halis ah loo geystay ina adeerkiis Mohamed oo imika xaaladiisa caafimaad la’dabiibayo.

Booliiska Gobalka Ohio ayaa su’aalo weydiiniya shaqsi afaraad oo goobta ku sugnaa balse majiraan ilaa imika cid booliiska ay u soo xer xereen falkaasi waloow baaritaanada wali ay socdaan.