Hay’ada Somali Relief Network of North America oo ka biyo dhaaminaysa Gobolka Karkaar

Hay’ada Somali Relief Network of North America ayaa maanta deeq biyo dhaan ah oo cadadkeedu gaarayo ilaa toban booyadood ka samaysay deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland.

Hay’adan oo saldhigeedu yahay Dalka Canada ayaa ka shaqeysa, caawinta iyo u gargaarida dadka tabaaleysan, waxayna ka shaqeysaa dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’ada Somali Relief Sheikh Aadan Maxmed Ciise Gaadaale ayaa ka sheekeeyey siday dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay ugu gurmanayaan.

Wuxuuna sheegay Aadan Gaadaale inay hay,addu samaysay 45 booyadood oo oo maanta 10 booyadood laga qeybiyay gobolka Karkaar iyo deegaano kale oo hoosyimaada, Isagoona sheegay inay kala yihiin deegaanada biyo dhaaminta laga sameeyay.

  • Qooxa                               2 Booyadood.
  • Geed Gaab                       2 Booyadood.
  • Kalsameed                      1 Booyad.
  • Qoryooley                       1 Booyad.
  • Qaydaar Muge               1 Booyad.
  • Coraar Doog                   1 Booyad.
  • Dagaabeen                      1 Booyad.
  • Qalwo Baqafuul             1 Booyad.

Sidoo kale waxaa ka hadlay gurmadkaan biyo dhaaminta Gudoomiye kuxigeenka Hay,adda biyaha iyo tamarta Puntland (PSAWEN) Ahna ku simaha hay,adda Maxamed Salaad iyo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulqaadir Siciid Carshe oo labaduba sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin garab istaaga ay u samaynayso dadka tabaaleysan Hay,adda Somali Releaf Network Of North America.

Samafale Maxamed Yusuf Tigey oo ka mid ahaa Dadkii wadey biya dhaaminta ayaa isna dhankiisa u duceeyay ciddii soo bixisay maalkan iyo intii soo abaabushay oo uu sheegay inay badbaadiyeen naf .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.