Real Madrid iyo Bayer Munich oo Caawa markale uu dhexmari doono kulan Xiiso badan

Real Madrid vs Bayer Munich

Kooxaha Real Madrid iyo Bayer Munich ayaa Caawa isaga hor iman doona kulanka lugta labaad ee wareega Sideed dhamaadka koobka UEFA Champions League-ga, kaas oo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu magaalada Madrid ee dalka Spain.

Tababaraha Bayer Munich Carlo Ancelotti  ayaa booqanaya garoonka Santiago Bernabeu oo xusuus gaar ah u leh, ka dib markii uu 2014-kii Real Madrid kula guuleystay koobkii 10-aad ee Champions League-ga.

Real Madrid ayaa ah kooxda jaaniska ugu weyn haysata kulankan, maadaama kulankii lugtii kowaad ay ku soo adkaatay 2-1, iyadoo marti u ahayd kooxda Bayer Munich oo joogtay garoonkeeda Allianz Arena.

Real Madrid ayaa kulanka waxaa ka maqan Gareth Bale halka badelkiisa uu ciyaari doono Isco, halka Bayer Munich uu ganaax uga maqanyahay Javi Martinez, laakiin uu dib ugu soo laabtay weeraryahan kooda Robert Lewandowski.

Real Madrid ayaa kulanka ku soo bixi karta barbar-dhac ama badin, halka Bayer Munich ay ku soo bixi karto natiijadii looga soo badiyay mid ka badan.

Kooxda badxa caawa waxa ay si toos ah ugu gudbaysaa Afar dhamaadka Champions League-ga.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood.

Real Madrid: Keylor Navas, Daniel Carvaja, Sergio Ramos, Nacho Fernandez, Marcelo, Toni Kroos, Luka Modric, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema,  Isco.

Bayer Munich: Manuel Neuer, Xabi Alonso, Juan Bernat, Philipp Lahm, David Alaba, Thiago Alcantara, Franck Ribery, Arjen Robben, Arturo Vidal, Thomas Mueller, Robert Lewandowski.

Warbixinka kulanka

Kulanka: Real Madrid vs Bayer Munich

Tartanka: Champions League Quarter-final, Game 2.

Wakhtiga: 9:45 PM

Garoonka: Santiago Bernabeu

Garsooraha: Viktor Kassai (Hungary)

 

Liban Yusuf

PUNTLAND POST