Madaxweyne Farmaajo oo amar dul dhigay Safaaradaha Shisheeye ee degan Garoonka iyo Madaxtooyada

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa PUNTLAND POST u sheegay in madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu  ku wargaliyay Safaaradaha degan Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada Soomaliya inay halkaasi ka guuraan, oo ku shaqeeyaan xarumahoodii hore ee ay dalka ku lahaayeen.

Safaaradaha wargelinta la siiyey waxaa ay ku dhex shaqeeyaan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka mid ah Safaarada itoobiya oo muddo dhex deganayd Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (farmaajo) ayaa tilmaamay in Madaxtooyadda iyo garoonka Diyadaraha Magaalada muqdisho ay yihiin goobo loogu talagalay in ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Dowladda Soomaliya islamarkaana Safaaradaha ay dagaan goobihii ay ku shaqeyn jireen xiligii dowladii Dhexe ee Soomaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho