Gudoomiyaha Degmada Qandala: ”Malaha Awood ay Daacish ku qabsan karto Deegano ka tirasan Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Gudoomiyaha Degmada Qandal ee Gobalka Bari Jaamaca Maxamed Quurshe ayaa been abuur ku tilmamay in deegano hoosyimada Degmada Qandal ay qabsadeen kooxda Daacish waxana uu sheegay in arintasi ay tahay mid aan sal iyo Raad toona lahayn.

Jaamaca Maxamed Quurshe ayaa cadeyey in ay jiran dhul ay ku dhuuma laysanyaan Kooxada Daacish balse ay san Awood u lahan in ay qabsadan deegano hoos Yimada Degmada Qandala.

Gudoomiyaha ayaa in taasi ku daray in Puntland dhawan ay qorshaynayso hawlgal ay ku soo afmeerayso dhulka  ay ku hareen Kooxda Daacish .

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili qaar kamid ah warbaahinta Afka Soomaliga ku hadasha ay qorayeen in deegano hoosyimada Qandala ay qabsadeen Kooxda Daacish balse arintaasi waxa uu Gudoomiyaha Qandala ku tilmaamy mid aan sal iyo Raad toona lahayn.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST