Guddi loo Magacaabay Wada-hadalka Ahlusuna iyo Galmudug

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan ay ka qeyb galeen madaxda Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya,kuwa Maamul goboleedyadda, iyo Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljmeeca.

Kulanka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Ali Khayrre,wasiirkiisa arrimaha dibada Yusuf Garaad, wasiirka arrimaha gudaha MrJuxa, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland , Hirshabelle iyo Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Shiikh Shaakir, oo isaga ahaa madaxa wafdiga caawa soo dhaweynta loo sameeyey balse Galmudug’ laguma casumin kulanka, maadaama labada dhinac wali wadahadalkooda uusan bilaaban.

Ujeedka kulan xalay ka dhacay magaalada muqdisho ayaa ahaa ka shaqeynta isku soo dhawaanshaha maamulada Magaaloooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, maadaama labadii sano ee hore lagu guuldareystay arrintaasi.

Ra’iisul wasaare ayaa meeshaasi ka sheegay inuu guddi wasiiro ah oo la hadlo labada dhinac u magacaabay xubno uu ay ka mid yihiin Yuusuf Garaad iyo wasiir Juxa, waxaana uu si cad u sheegay in xildhibaano iyo wasiiro lagu eedeeyey dagaaladii Dhuusamareeb iyo Guriceel inaysan wadahadalka ka mid noqon doonin, si nabad loogu soo dabaalo labada maamul.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho