Gollaha Deegaanka Garowe oo dacwad u gudbiyay Wasaarada Arrimaha Gudaha

Ku dhawaad 18 Xildhibaan oo ka tirsan Gollaha Deegaanka Degmada Garowe ayaa maanta dacwad/cabasho ka dhan ah Maamulka Dowlada hoose u gudbiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland oo ay ka codsadeen in lasoo dhex galo iyaga iyo hogaanka gollaha.

Xildhibaan Mowliid Aw-axmed Yuusuf oo ka tirsan gollaha deegaanka Garowe ayaa PUNTLAND POST uga waramay khilaaf ka jira dib u dhac ku yimid waqtigii uu ku beegnaa inuu furmo kalfadhigii 5aad ee gollaha oo uu sheegay inay beegnayd 15kii bishii March ee lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay Mowliid Aw-axmed inay  ka dalbadeen Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka Ahna Duqa magaalada Garowe 10kii April 2017 inuu furo kalfadhiga oo uu sheegay inay Xildhibaanadu  kaga hadlayaan xaalado taagan iyo habacsanaan uu sheegay in laga dareemayo shaqada Dowlada hoose.

Xildhibaan Mowliid ayaa intaas ku darey inay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmeen Masuuliyiinta Arrimaha Gudaha  Xildhibaanadii maanta la kulmay, Islamarkaana ay Wasaaraddu ku amartey maamulka Gobolka iyo Kan Degmada in la furo kalfadhiga sharciga ah ee gollaha deegaanka degmada Garowe.

Dhagayso Wareysi Xildhibaan Mowliid Awaxmed.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST