Galmudug iyo Ahlu-sunnah oo kuwada Wada hadlaya Muqdisho Maanta

Sida uu qorshuhu yahay waxaa Magaalada Muqdisho ka furmi doona Wadahadalo lagu heshiisiinaayo maamulada Ahlusunna iyo Galmudug.

Wadahadaladaan oo dowlada Soomaaliya maalimihii lasoo dhaafay ay waday qorshahooda ayaa maanta lagu wadaa in ay furmaan.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqey guddiga dhexdhexaadinaya labada dhinac, waxaana guddiga kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wadahadalkan ayaa la filayaa in uu goor dhaw uu ka bilawdo Magaalada Muqdisho oo ay labada dhinacba ku sugan Yihiin.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insh allah

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND PSOTĀ